Hoggaamiyaasha Itoobiya iyo Eriteeriya oo heshiis nabadeed ku saxiixday Sucuudiga


Boqorka Sucuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud (Dhexda). Raysulwasaaraha Itoobiya (Midig) iyo Madaxweynaha Eriteeriya Isaias Afwerki (Midig). [Sawirka: Reuters]
Jeddah-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa heshiis nabadeed ku gala saxiixday dalka Sucuudi Caraabiya Axadii, kaasoo ah heshiiskii labaad oo nabada oo ay gaaraan tan iyo bishii July.

Hoggaamiyaasha Itoobiya iyo Eriteeriya ayaa kala saxiixday baaq nabadeed oo wadajir ah oo saaxiibnimo bishii July, kaasoo dib u soo nooleynaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal oo dagaal ku dhexmaray xadkooda sanadihii 1998 ilaa 2002.

Faahfaahin dheeri ah ee heshiiskii Axada ee lagu kala saxiiday magaalada Jeddah weli lama sheegin.

“Heshiisku waxa uu gacan ka geysan xoojinta ammaanka iyo xasiloonida gobolka dhammaantiis,” Wasiirka Arrimaha Dibada Sucuudiga Adel al-Jubeir ayaa sidaas ku sheegay boggiisa Twitter-ka.

Abiy iyo Afwerki ayaa heshiiska kala saxiixday iyada oo ay goobjoog ahaayeen Boqorka Sucuudiga Salmaan, Dhaxalsugaha Boqor Mohammed bin Salman iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ma cadda wax door ah, haddiiba, Sucuudi Caraabiya ay kaalin ka ciyaartay dhexdhexaadinta heshiiska nabada ee la gaaray labo bilood kahor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*