Tirada dhimashada ka dhalatay dhul-gariirkii ku dhuftay Talyaaniga oo gaartay 241 qof

kooxaha badbaadada
Kooxaha badbaadada.

Rome-(Puntland Mirror) Dhimashada dhul-gariirkii shalay oo Arbaco ahayd ku dhuftay dalka Talyaaniga ayaa gaartay 241 qof iyadoo kooxaha gurmadka ay wali wadaan dadaalkooda ay ku doonayaan in ay ku helaan dadka uu saameeyay musiibadaas.

In ka badan 4,300 oo kooxaha gurmadka ah oo isticmaalaya qalab iyo gacmahooda ayaa ku jira howlaha samata-bixinta.

In badan oo kamid ah dadka dhibanaha ah ayaa ah caruur, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Talyaaniga, waxaana jira khataro muujinaya in tirada dhimashada ay sii kordhayso.

Haayada kormeerka dhulka (USGS) ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhul-gariirkaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Norcia ee gobolka Umbria maalintii Arbacada uu cabirkiisa ahaa 6.2.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*