Hoggaamiyaasha dhaqanka oo dadaalo nabadayn ah ka wada deegaanka Dhumay

Isimo ka kala yimid deegaano kala duwan oo nabadayn ka wada Dhumay. [Snapshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dadaalo lagu xalinayo dagaalo ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa ka socda halkaas.

Dadaalada ayaa waxaa hormuud u ah hoggaamiyaasha dhaqanka oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe, Jigjiga, Buuhoodle iyo Laascaanood.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay colaadaas oo u dhaxeysa labo maleeshiyo oo katirsan beesha Dhulbahante oo bishii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Dhumay waa tuulo qiyaastii 40 kiilomitir dhanka koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

Gurmad deg deg ah

Qaar katirsan hoggaamiyaasha dhaqanka ayaa codsaday in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadkii dhibku ka soo gaartay dagaaladii dhawaan deegaankasa ka dhacay.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah hoggaamiyaasha dhaqanka ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka in gurmad lala gaaro dadka shacabka ah ee ay colaadu saameysay.

Qaar katirsan dadkii ku barakacay colaada ayaa dhibbaato nololeed ku heysataa halkaas, waxayna u baahanyihiin caawimaad deg deg ah, sida isimadu ay sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*