Dowladda Soomaaliya oo dakhli ku dhow $200 milyan lumisay coronavirus dartiis

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdirixamaan Ducaale Beyle. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dakhli ku dhow $200 milyan ayay lumisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sababtoo ah dhibbaatada xanuunka coronavirus, sida uu sheegay wasiirka maaliyada.

Wareysi uu wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle siiyay BBC Somali ayuu ku sheegay in khasaare dhaqaale oo dhan 40% uu sababay coronavirus.

“Saameyn weyn buu Soomaaliya ku yeeshay sida wadamada kale sidaa daraadeed wax soo saarkii baa hoos u dhacaya, dadka dakhligii soo galayay baa hoos u dhacaya, canshuurihii yar-yaraa iyo wixii dhammaadeen, alaabihii dibada laga soo qaadayay waa iska yaraanayaan markaas dakhligii ka soo galayay garoonka iyo dekada, markaas waxyaabo badan oo 40% ayaa is dhimaya,” ayuu yiri.

Waxaana uu intaas ku daray in is-dhinkaas dakhli ay u dhiganto ilaa $200 milyan.

Bayle ayaa sheegay in ay wadahadal kula jiraan beesha caalamka gaar ahaan Bankiga Adduunka si uu uga caawiyo hoos u dhacaas iyo dagaalka ka dhanka ah coronavirus.

Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaangelisay 328 kiis oo coronavirus ah, iyo 16 dhimasho ah, sida ay muujinayso xogta Wasaaradda Caafimaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*