Maxkamada rafcaanka gobolka Nugaal oo ayiday xukunka dilka ah ee saddex nin oo loo haysto kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaas Aadan

Saddexda nin ee lagu xkumay dilka. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada rafcaanka gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah ayiday xukunka dilka ah ee saddex nin kuwaasoo kufsaday dilayna gabar 12-sanno jir ah.

Saddexna nin ayaa bishii May waxaa dil toogasho ah ku xukuntay maxkamada darajada kowaad ee Garoowe, balse waxa ay qaateen rafcaan.

Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo 12-sanno jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sanadkan 2019.

Nimanka dambiga loo haysto ayaa laga helay cadaymo muujinaya in ay falkaas galeen iyada oo la isticmaalay DNA, oo markii ugu horeysay fal noocaas ah loo adeegsado gudaha Soomaaliya.

Qareenada sadexda nin ayaa qaatay rafcaan kale oo 30 beri ah, taasoo u gudbaysa maxkamada sare, sida ilo-wareedyo katirsan garsoorka ay u sheegeen bog wareedka Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaaday in Caasho Ilyaas Aadan ay heli doonto cadaalad.

Sanadihii u dambeeyay, kufsiga ayaa ku soo badanayay deegaanada Puntland, taasoo keentay sumcad xumo.

Baarlamaanka Puntland ayaa sanadkii 2016 meelmariyay sharciga kufsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*