Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay in si guud loo ansixiyo golaha cusub ee wasiiradda

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah meelmariyay in si guud loo ansixiyo golaha cusub ee wasiiradda Puntland.

Kulanka golaha baarlamaanka, oo ay fadhiyeen 53 xubnood ayaa 26 kamid ah ogolaatay in si guud loogu codeeyo halka 24 kamid ah diideen, saddexna ay ka aamuseen.

Horaantii, baarlamaanka ayaa isku raacay in golaha cusub ee wasiiradda loo ansixiyo mid mid.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo horaantii bishii Janaayo la doortay ayaa la filayaa manta ama beri in uu ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiiradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*