Haayada World Vision oo tababar degmada Dangorayo ugu soo gabagabaysay guddiyo ganacsi iyo guddi kala shaqeeya fududaynta mashruuca ganacsiyada yar-yar

Mubaarak Faarax, madaxa fududaynta ganacsiga ee World Vison, oo tababaraya kasoo qaybgalayaasha tababarka ganacsiga ee ka yimid saddex degmo oo kuyaala gobolka Nugaal. [Xigashada Sawirka: World Vision]
Mubaarak Faarax, madaxa fududaynta ganacsiga ee World Vison, oo tababaraya kasoo qaybgalayaasha tababarka ganacsiga ee ka yimid saddex degmo oo kuyaala gobolka Nugaal. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garowe-(Puntland Mirror) Haayada World Vision ayaa shalay oo Isniin ahayd gudaha degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal kusoo gabagabaysay tababar muddo labo beri ah uga socday guddiyo ganacsi iyo guddi kala shaqeeya fududaynta mashruuca ganacsiyada yar-yar.

Si kooban ujeedada tababarka ayaa ahaa:

  • Tababarkan ayaa ku saabsanaa sida loo hormarin lahaa  ganacsiga ka jira saddex degmo iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen xogaha ganacsi.
  • In guddiyada laga caawiyo in ay degsadaaan qorshayaal ku aadan horumarinta ganacsiyadooda ka jira degmooyinkooda
  • In lagu tababaro guddiyada sidey u xalin lahayeen khilaafaadka ganacsi ee ka dhexjira bulshada iyo dhammaan khilaafaadka kale ee curyaamiya horumarka bulshada, haday aaahan lahayd dhan dhaqaale iyo dhan horumarba
  • CBA iyo PMC degmooyinka kala duwan in ay is dhaafsadaan fikrado, macluumaad, iyo caqabadaha ganacsiga degmooyinkooda

Guddoomiyaha degmada Dangorayo Mukhtaar Cabdiraxmaan Axmed oo kulanka gabagabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tababarka waxaana uu yiri: “aad baan ugu faraxsanahay in maanta tababar noocaan oo kale ah la isugu keeno ururo ka shaqeeya horumarinta ganacsiga deegaano kala duwan, waana arrin muhiim ah in intii tababarka lagu wada qaban lahaa caasimada la geeyo degmooyinka kale si ay bulshadu u aragto ganacsiyada kala duwan ee ka jira degmooyin ka baxsan caasimada Garoowe.”

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa haayada World Vision mashaariicda kala duwan oo waxtarka leh ee ay ka wado gobolka Nugaal gaar ahaan halkan degmada Dangorayo.” Ayuu ku daray guddoomiye Mukhtaar.

Guddoomiyaha degmada Dangorayo, Mukhtaar Cabdiraxmaan, oo hadal ka jeedinaya tababarka ganacsiga ee ay qabatay haayada World Vision. [Xigashada Sawirka: World Vision]
Guddoomiyaha degmada Dangorayo, Mukhtaar Cabdiraxmaan, oo hadal ka jeedinaya tababarka ganacsiga ee ay qabatay haayada World Vision. [Sawirka: Puntland Mirror]

Dhankeeda, Salmo Siciid oo World Vison hor-jooge uga ah degmada Dangorayo ayaa u mahadcelisay dhammaan kasoo qaybgalayaasha tababarka gaar ahaan degmooyinka Garoowe iyo Buurtinle oo safar dheer u soo galay kasoo qaybgalka tababarka .

“Waxaan idiin rajaynayaa in aad wax badan ka faa’iideen tababarkan aadna dib ugu la noqon doontaan deegaanadii iyo bulshadii aad ka timaadeen si aad uga faa’idaysaan,” ayay tiri.

“Tababarkan oo kale oo hadba meel la isugu yimaado wuxuu keenayaa in bulshada ay kala barato hab-nololeedkeedka iyo ganacsiga ka jira deegaanada ay ka kala yimaadeen.” Ayay ku dartay.

Salmo Siciid oo hor-joogto World Vision uga ah Dangorayo, oo ka hadlaysa tababarka loo qabtay guddiyada ganacsi iyo guddiga kala shaqeeya fududaynta mashruuca ganacsiyada yar-yar. [xigashada Sawirka: World Vision]
Salmo Siciid oo hor-joogto World Vision uga ah Dangorayo, oo ka hadlaysa tababarka loo qabtay guddiyada ganacsi iyo guddiga kala shaqeeya fududaynta mashruuca ganacsiyada yar-yar. [Sawirka: Puntland Mirror]

Si kastoo ay ahaataba, haayada World Vision ayaa Soomaaliya ka howlgalaysay tan iyo 1991-dii, iyadoo xafiiskeeda Puntland furatay 2010-kii. World Vision ayaa fulinaysa “mashruuca gobolka Nugaal ee kor u qaadida hab nololeedka wanaagsan” oo ay maalgelisay Midowga Yurub. Mashruuca ayaa bilaabmay bishii Janaayo 2015-kii waxaana uu dhamaanayaa bisha September 2017-ka, waxaana mashruuca uu ka socdaa shan degmo oo ah, Garoowe, Dangorayo, Eyl, Buurtinle iyo Godob-jiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*