Khasaare lagu qiyaasay $130 milyan oo ka dhashay maqnaanshaha adeega internet-ka ee koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya


Khasaare lagu qiyaasay $130 milyan oo ka dhashay maqnaanshaha adeega internet-ka ee koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ahayd walaac ka muujisay la’aanta adeega internet-ka, iyada oo sheegtay in halkii maalinba qiyaastii $10 milyan oo doolar oo khasaaro ah ay ka dhalatay khad la’aanta internet-ka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya Engineer Cabdi Canshuur Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in la’aanta adeega Internet-ka ee ku timid koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu ka dhashay khasaaro maaliyadeed.

“Cel celis ahaan khasaaraha ka dhashay la’aanta adeega Internet-ka waa $10 milyan oo doolar halkii maalinba. Waxaanu khasaarnay $130 milyan intii lagu guda jiray labadii asbuuc ee lasoo dhaafay kadib markii la waayay adeegyadii kuwaas oo qeyb ka ahaa nolosha dadkayaga,” Cabdi Canshuur ayaa sidaa yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii dib loogu soo celin lahaa adeega internet-ka sida ugu macquulsan oo ugu dhow.

Labadii asbuuc ee lasoo dhaafay, internet la’aanta ayaa saameysay dhammaan gobolada Soomaaliya ee kuyaala koonfurta iyo bartamaha oo ay kamidtahay caasimada Muqdisho.

Warbaahinta, ganacsatada, iyo haayadaha dowladda ayaa wajahay dhibbaatooyin ku saabsan howlfulinta shaqo maalmeedkoodii internet la’aan darteed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*