Haayada ICRC oo sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Marxuum Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim. [Xigashada Sawirka: ICRC]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Laanqeyrta Cas (ICRC)  ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay Soomaaliya.

Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim, kaasoo si xun ugu dhaawacmay qarax loogu rakibay gaarigiisa galabtii Arbacada gudaha Muqdisho, ayaa geeriyooday, sida ay sheegtay ICRC.

“Aad ayay noo dhaawacday dhimashada Cabdulxaafid, kaasoo xubin muhiim ah ka ahaa shaqaalahayaga Soomaaliya,” Simon Brooks, madaxa ICRC ee Soomaaliya ayaa sidaa ku sheegay bayaan tacsi ah.

Cabdulxaafid ayaa ICRC ku biiray shan bilood kahor isaga oo ahaa xafiishayaha isgaarsiinta iyo xiriirka, sida ay sheegtay haayada biniaadanimada ee ICRC.

Saraakiil katirsan booliiska Soomaaliya ayaa Arbacadii warbaahinta u sheegay in gaariga Cabdulxaafid uu ku qarxay meel wax yar u jirta xafiiska ICRC ee Muqdisho.

ICRC ayaa sheegtay in mid kale oo shaqaalaheeda katirsan uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse xagjiriinta Al-Shabaab ayaa mar walba geysta weerarada noocaan oo kale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*