IMF oo qiyaasaysa in koboca dhaqaalaha Soomaaliya uu sii ahaan doono 2.9 boqolkiiba 2019, balse sicir bararku gaari karo 4.0 boqolkiiba

Sarifle jooga Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in wax soo saarka Soomaaliya la qiyaasayo in uu ku sii negaan doono 2.9 boqolkiiba sanadka 2019, balse sicir bararku wuxuu gaari karaa 4.0 boqolkiiba sanadkan.

“Koboca dhaqaalaha ee Soomaaliya waxaa la qiyaasayaa in uu sii ahaan doono 2.9 boqolkiiba sanadkan 2019. Sicir bararka waxaa la qiyaasayaa in uu si kumeelgaar ah u kordho 4.0 boqolkiiba sanadka 2019 sababtoo ah qiimaha sare ee cunada oo ay sababeen roobka oo aan si fiican u di’in horaantii sanadkan.” IMF ayaa sidaa ku sheegtay bayaan Arbacadii.

Bayaanka ayaa yimid kadib kulan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo asbuucii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dallka Itoobiya, kaasoo ay ka qeybgaleen wasiirka maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo wasiirada maaliyadaha dowlad goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*