Ciidanka Puntland iyo maleeshiyada ISIS oo isku dhac ku dhexmaray gobolka Bari

Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka PSF.[Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Isku dhac ayaa laga soo sheegay gobolka Bari maanta oo Talaado oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada ISIS.

Isku dhaca ayaa yimid kadib markii cutubyo katirsan ciidanaka PSF ay weerar ku qaadeen meelo ay ku dhuumaanaysanayaan maleeshiyada ISIS oo kuyaala deegaanka Timirshe ee gobolka Bari, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ilo wareedka ayaa intaas ku daray in weerarka uu ka horeeyay duqeyn cirka ah oo ka dhan ahaa maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*