Markab dagaal oo Spain leedahay oo burburshay dooni burcadbadeed

Doonida oo gubaneysa kadib markii la burburshay. [Xigashada Sawirka: EUNAVFOR]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Markab dagaal oo Spain leedahay oo katirsan ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa burburshay dooni burcadbadeed, sida wasaaradda arrimaha dibada Spain ay bayaan ku sheegtay Isniintii.

Kuma aysan cadayn bayaankeeda haddii ay jiraan burcadbadeed dooni saarnayd.

Bishaan gudaheeda, Ilaalo ammaanka ah oo saarnaa markab xamuulka qaada oo ku gooshayay calanka Hong Kong ayaa iska difaacay weerar ay ku qaadeen burcadbadeed oo ka dhacay xeebta Soomaaliya. Wuxuu ahaa isku-daygii labaad oo burcadbadeeda Soomaaliya ku damcaan in ay ku qabsadaan markab ganacsi sanadkan gudihiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*