Itoobiya oo diblomaasiyiin sare u soo dirtay Soomaaliya si ay gacan uga geystaan ololaha Xasan Shiikh

Puntland Mirror ayaa ogsoon in madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xafiiska jooga uu xiriir fiican la leeyahay Itoobiya.. [Sawirka: Archive]
Puntland Mirror ayaa ogsoon in madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xafiiska jooga uu xiriir fiican la leeyahay Itoobiya.. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Itoobiya ayaa diblomaasiyiin sare u soo dirtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si ay taageero uga geystaan dib u doorashada Xasan Shiikh Maxamuud, sida warsidaha Puntland Mirror ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo codsaday in aan magacooda la sheegin.

“Dariskeena Itoobiya waxay Muqdisho u soo direen diblomaasiyiin sare si ay gacan uga geystaan in Xasan Shiikh in dib loo soo doorto,” sidaa waxaa yiri, ilowareedka oo magacooda qariyay, arrintan oo xasaasi ah darted.

“M cadda sababta ay Itoobiya u taageersantahay Xasan Shiikh Maxamuud.” Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, diblomaasiyiinta ka socda Itoobiya ayaa magacyadooda la dhahaa, Reda Getachew, Dr. Metiku Arkebe iyo Solomon Sulu.

Puntland Mirror ayaa ogsoon in madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xafiiska jooga uu xiriir fiican la leeyahay Itoobiya.

Arrinta ayaa imaanaysa saddex beri kadib markii Raysulwasaaraha Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu dalalka deriska ah ku eedeeyay in ay farogelin ku hayaan doorashada madaxweynenimada dalka, balse ma uusan xusin dalalkaas.

Madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha xaadirkan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kamid ah 23 musharax oo u tartamaya madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo qorsheeyya 8-da Febaraayo in ay dhacdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*