Halkee marayaa soo xulista baarlamaanka cusub ee Puntland?

Aqalka baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Soo xulista ku saleysan qaab-beeleedka ee baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa socota, sida ay sheegeen guddiga xalinta khilaafaadka.

Beelo badan ayaa soo xulay xubnihii umatali lahaa baarlamaanka soo socda ee Puntland, balse weli waxaa jira beelo kale oo aan soo xulin.

Guddiga xalinta khilaafaadka baarlamaanka oo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali magacaabay 3-dii bishaan December ayaa shaqada wada, sida guddigu ay ku sheegeen shir jaraaid oo Khamiistii ay qabteen, waxayna ka codsadeen in beeluhu ay soo dadajiyaan soo xulista sababtoo ah wakhtiga oo yar.

Guudiga ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay qabteen 100 codsi, taasoo muujineysa in khilaaf balaaran oo ku saabsan xubnaha uu jiro.

Baarlamaanka Puntland oo tiradoodu tahay 66 xildhibaan ayaa la filayaa in horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan.

Doorashada madaxweynaha ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo 8-da Janaayo 2019.

Doorka Dhalinyarada iyo haweenka

Inkasta oo weli xulistu ay socoto, tiro fiican oo xubno dhalinyaro aqoonyahano ah ayaa kusoo biiray baarlamaanka cusub, sida ay muujineyso xubnaha ay odayaasha dhaqanka beeluhu soo doorteen.

Waxaa la filayaa in baarlamaanka cusub uu noqdo golihii ugu dhalinyarada badnaa tan iyo markii la asaasay Puntland sanadkii 1998.

Dhanka dumarka, ma jiraan xubno dumar ah oo weli lasoo doortay, taasoo god ku sii rideysa rajadii dumarka ay ka qabeen in ay qeyb weyn ka heli doonaan golaha baarlamaanka ee cusub.

Golihii hadda wakhtigoodu dhammaaday ayaa dumarku ku lahaayeen labo xubnood oo keliya.

Markii la asaasay Puntland sanadkii 1998, ayaa dumarka la siiyay shan xubnood oo ka kala socday shantii gobol oo xilligaas lagu asaasay, balse qoondada dumarka ayaa hoos u sii dhaceysay marba marka kasii dambeysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*