Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in uu Garoowe yimaado

Axmed Madoobe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in uu yimaado Garoowe, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Inta uu joogo Garoowe, Axmed Madoobe ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Safarkiisa ayaa imaanaya iyadoo ay soo dhowyihiin doorashada xubnaha aqalka hooes ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorashada xubnaha aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa asbuucaan soo gabogabowday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*