Biyo la’aan daran oo laga soo sheegayo deegaano miyi ah oo ka tirsan gobolka Mudug

Nin reer guuraa ah oo caruurtiisa ku haysta baraak faaruq ah. [Isha Sawirka: Deex TV]
Garoowe-(Puntland Mirror) Iyadoo bartamaha looga jiro abaartii ugu darnayd oo ka jirta Puntland oo dhan, ayaa biyo la’aan daran waxaa laga soo sheegayaa deegaano miyi ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Biyo la’aanta jirta ayaa dadka deegaanku sheegayaan in ay keeni karto in ay dad ku dhintaan haddii aan la helin taageero biyo dhaamis deg-deg ah oo la gaarsiiyo dadka ku sugan meelaha ay abaartu ku dhufatay.

Labadii xilli roobaad ee dambeeyay oo baaqday gudaha Puntland ayaa keenay abaar daran taasoo aad u saamaysay dadka xoolo dhaqatada ah oo lumiyay xoolahoodii oo ahaa isha dhaqaale ay ku tiirsanyihiin.

Xukuumadda Puntland ee hadda joogta ayaa lagu dhaliilay in ay waxba ka qaban ka jawaabista abaarta jirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*