Farmaajo oo shir ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maanta oo Axad ah.

“Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Lama sheegin wakhtiga rasmiga ah ee la qaban doono shirka balse waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in guddiyo farsamo oo ka socda dhinacyada ka qeybgali doona ay ka soo shaqeyn doonaan.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo maanta wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay u safrene dalka Jabuuti halkaas oo la filayo in wadahadalo kula yeelan doonaan maamulka Somaliland.

Asbuucii la soo dhaafay, Puntland ayaa soo dhaweysay baaq ka soo baxay guddoomiyaha aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegaya in la qabto shir wadatashi oo u dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo qaar katirsan maamul goboleedyada ayaa xilliyadii u dambeeyay aad u xumaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*