Baarlamaanka Soomaaliya oo riday Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo golihiisa wasiiradda

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah xilkii ka qaaday Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo golihiisa wasiiradda, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

170 xildhibaan ayaa u codeeyay xilka ka qaadista Raysulwasaaraha iyo golihiisa wasiiradda, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Madaxweynaha Dowlaladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay go’aanka ka soo baxay golaha baarlamaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Waxaana uu sheegay in uu Raysulwasaare si deg-deg ah uu u soo magacaabi doono.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*