Madaxweynaha DFS Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland oo la filayo in ay kulan ku yeeshaan Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland Somaliland. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan dalka Jabuuti asbuucaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan.

Ajandaha rasmiga ah ee shirka lama oga. Waxaa la filayaa in ay ka qeybgali doonaan wakiilo ka socda Mareykanka, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa markoodii ugu horeysay bishii Febaraayo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Somaliland oo kutaala waqooyiga Soomaaliya ayaa ku dhawaad 30 kahor sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale balse wax aqoonsi ah adduunka kama helin tan iyo xilligaas.

Argtida Puntland ee wadahadalada Somaliland

Dowlad goboleedka Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan waxba ka jirin wadahadal walba oo lala yeesho maamulka Somaliland haddii aysan iyadu qeyb ka ahayn.

Puntland ayaa ku andacootay in wadahadaladu ay saameyn ku yeelaan doonaan deegaano iyada katirsan sida gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaasoo labada maamul ay isku hayaan lahaanshahooda.

Labada maamul ayaa marar badan uu dagaal ku dhexmaray gobolada Sool iyo Sanaag. Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka dhacay sanadkii 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*