Madaxweynaha dowladda Puntland oo Muqdisho kulan kula yeeshay xildhibaanada labada aqal ee Puntland laga soo doortay

Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay oo Khamiis ahayd kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare Soomaaliya ee Puntland laga soo doortay.

Madaxweynaha oo kulan casho ah u sameeyay xildhibaanada ayaa kula dardaarmay in ay marwalba ka shaqeeyaan maslaxada ummada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland fekerkedii ahaa in maamul goboleedyada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta mirihii ka soo baxay waa idinka,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Waxan aaminsanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed,  waxaana ilalahay idiin weydiinaynaa inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday.” Ayuu ku daray.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u sharaxan madaxweynaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*