Deg Deg: Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay gobolka Sanaag

Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa saakay ka bilaabmay deegaanka Booda-Cade oo ku yaala gobolka Sanaag, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo saraakiisha.

Dagaalkan ayaa imaanaya kadib markii Puntland ku eedaysay Somaliland in ay qalalaase ka wado gobolada Sanaag iyo Hayland iyadoo uga digtay in ay keeni karto isku dhac haddii faragalinta ay sii socoto.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaalamay gobolka Sanaag sanadkii 2007.

Ma jirto warbixino ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka oo hadda la heli karo.

Dhaqso ayaa idiin kusoo gudbin doonaa wixii soo kordha.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*