Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, dooda ayaa fashilantay kadib markii loo doortay in uu dhex-dhexaadiyo taleefishinka dowladda ee SNTV.
Ilaa iyo 24 musharixiin madaxweyne ah oo uu kamidyahay madaxweynaha hadda xafiiska jooga ayaa la filayay in ay ka qaybgalaan dooda.
Dowladda ayaa u diiday warbaahinta madaxa-banaan in ay ka qaybgasho dooda, taasoo keentay in musharixiintu ay ka baxaan dooda, sida ay xaqiijinayaan wararku.
Dadka Soomaaliyeed ayaa ka rajo qabay in ay daawadaan doodii kowaad oo madaxweyne, balse nasiib-daro waa dhicisowday.
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo qorsheeyya 8-da Febaraayo in ay dhacdo.