Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo ka socda Beled Xaawo

Ciidanka Jubbaland. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka jooga.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa bilowday xalay xilli dambe isagoo ilaa saakay ka socda halkaas.

Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalkaas, balse tirada saxda ah weli lama oga, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

War-saxaafadeed maanta oo Isniin ah kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maleeshiyo ay soo hubeysay Kenya ay weerar ku soo qaadeen gobolka Gedo.

Labada dhinacba waxay guul ka sheegteen dagaalkaas balse dad ku sugan magaalada ayaa sheegaya in dagaalku uu weli socdo dadka qaarkiisna ay bilaabeen in ay qaxaan.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo uu jiro khilaaf arrinta Gedo ay kamidtahay oo ka taagan doorashada soo socota ee Soomaaliya. a

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*