Howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen koonfurta Gaalkacyo ciidamada NISA iyo PIS oo lagu qabtay saraakiil al-Shabaab ah

 

Somali Commondos
Askari katirsan ciidamada PIS-ta Puntland oo ilaalo ka haya goobta howlgalka ka dhacay.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada nabadsugida dowlada federaalka Soomaaliya iyo PIS-ta  dowlada Puntland ayaa lagu soo qabtay shan xubnood oo katirsan kooxda al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay xaafada Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen shan xubnood oo al-Shabaab ah oo uu ku jiro dagaalyahan ajnabi ah oo u dhashay dalka Suudaan magaciisuna yahay Saciid Cabdulaahi Abubakar (Al-Suudaani), sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Al-Suudaani ayaa u qaabilsanaa kooxda al-Shabaab waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya, Sareeyo Guuto Cali Baashi Xaaji,  oo la hadlay saxaafada ayaa uga mahadceshay howlgalka ay sida wadajirka ah uga fuliyeen koonfurta Gaalkacyo ciidamada NISA iyo PIS, wuxuuna sheegay in ujeedadii howlgalka lagu guulaystay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*