Home Somalia Ciidamada NISA oo xiray ku dhawaad sagaal qof oo lala xiriirinayo qorshaha qaraxii gaariga UNDP
Haayada Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA. [Sawirka: Anadolu] Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA ayaa xirtay ugu yaraan sagaal qof oo lala xiriirinayo qarax gaari oo ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee Sonna.
Ugu yaraan saddex kamid ah ilaalada UN-ka ee Soomaalida ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax gaarigooda loogu rakibay uu ku qarxay meel u dhow xarunta haayada UNDP ee muqdisho shalay oo Arbaco ahayd.
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas maanta oo Arbaco ah, sida uu ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa afhayeenka Al-Shabaab u qaabilsan howlgalada millatariga Cabdicasiis Abu Muscab.
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com
Be the first to comment