Sideed qof oo kale ayaa dhaawacmay. Ninka qoriga watay oo la aaminsanyahay in uu ahaa askari muddo kasoo dagaalamayay dalka Ciraaq ayaa la xiray.
Senatorka laga soo doorto gobolka Florida, Bill Nelson ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in la aqoonsaday ninka weerarka geystay oo la dhaho Esteban Santiago.
Ninka ayaa isku dhiibay booliiska markii ay ka dhammaatay rasaastii, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.
Fort Lauderdale ayaa ah garoonka ugu weyn ee ay adeegsadaan dalxiislayaasha taga magaalo xeebeedka Miami, waxaana lagu qiyaasaa ilaa 80,000-100,000 rakaab ah in ay maalin walba maraan.