Kalafadhigii 38-aad ee baarlamaanka dowladda Puntland oo dib u dhac ku yimid

Baarlamaanka dowladda Puntland. [Sawirka: Parliament official website]
Garoowe-(Puntland Mirror) Waxaa maanta oo Talaado ah dib u dhac uu ku yimi kalafadhigii 38-aad ee baarlamaanka dowladda Puntland kadib markii madaxweynaha Puntland uusan imaan magaalada Garoowe oo qorshuhu ahaa in uu kalafadhiga furo.

Qaar katirsan xubnaha baarlamaanka Puntland oo la hadlay saxaafada maxaliga ah ayaa ka waramay sababta keentay dib u dhaca kalafadhiga.

“Baarlamaanka maanta waxa uu la furmi waayay waxaa eedeeda leh oo dhaliisheeda leh waa guddoonka baarlamaanka gaar ahaan guddoomiyaha oo ah afhayeenkii, ayaa baarlamaanka maanta furi waayay anaguna waan la hadalnay waxaana ka codsanay baarlamaanka in uu furo nasiib daro maanta ma dhicin taas” sidaa waxaa yiri xildhibaan Cabdikariin Xuseen Guure oo loo yaqaan (Shaacuur).

“Cudur-daar aan aqbal ahayna waa sheegay oo ah madaxweynihii baan joogin, madaxweynuhuna xaggee jiraa, Boosaasoo ku suganyahay oo ah dalka meel kamid ah in uu yimaadaa wax cusri ah maahan, waxaan leenahay madaxweynuhu waa in uu si deg deg ah uu ku yimaadaa oo soo galaa beri, berina waa in kalafadhigu furmaa.” Ayuu ku daray xildhibaan Shaacuur.

Xildhibaan Burhaan Aadan Awcabdi oo kamid xildhibaanada baarlamaanka dowladda Puntland ayaa sheegay in ay waajib tahay in madaxweynaha uu furo kalafadhiga baarlamaanka.

“Waxaa madaxweynaha masuuliyadiisu tahay in uu baarlamaanka hor yimaado warbixinta abaaraha, warbixinta colaada iyo mida doorashadaba in uu baarlamaanka warbixin ka siiyo,” ayuu yiri xildhibaan Burhaan Aadan Awcabdi.

“In uu isaga baarlamaanka furo baa laga rabaa, Boosaaso buuna ku suganyahay, kas buuna shalay uga degay Boosaaso.” Ayuu ku daray Burhaan Aadan Awcabdi.

Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa sida caadiga ah waxa uu yeeshaa labo kalafadhi sanad walba, sida uu qorayo qodobka 65-aad ee dastuurka dowlada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*