DEG DEG: Al Shabaab oo Weerar Xoogan ku fulisay Magaalada Mandeera ee Dalka Kenya

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo islamarkaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxey ku qaadeen labo Gaadiid oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dalka Kenya.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay jidka u galeen Gaadiid ay wateen Ciidamada Booliska Kenya, kuwaasi oo marayay Degaanka Lafeey ee Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaasi qorsheysanaa khasaaro burbur leh lagu gaarsiiyay mid ka mid ah labadii Gaadiid oo ay wataeen Ciidamada Booliska Kenya.

Degaanka Lafeey ee Magaalada Mandheera ayaa sida la sheegay waxuu ku dhow yahay Xadka kala qeybiya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Weli lama shaacin khasaaraha nafeed ee ka dhashay Weerarkan gaadmada ee Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Boolis Kenya.

Weerarkan ayaa waxuu noqonayaaa kii 2-aad oo 24 Saac gudahood lagu beegsado Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Shalay ayee aheyd markii Qarax khasaaro geystay Magaalada Liboye lagula eegtay Kolonyo Sahay militari u siday Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Kenya ee ku sugan Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*