Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ay joojiyeen dhismaha saldhiga milatariga ee Imaaraatka Carabta ee Berbera

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi . [Sawir Hore]
Berbera-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dowladiisu ay joojisay saldhiga milatariga ee Imaaraatka Carabta ay ka dhisanayeen magaalo xeebeedka Berbera.

Isaga oo ka hadlayay Berbera maanta oo Sabti ah waxa uu yiri: “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayay ee Imaaraatku dhisayeen ee la lahaa waa ciidan, waanu ka wareejinay ciidankii waa garoon shacab maanta,”

Waxa uu sheegay in shirkadii garoonka cusub dhisi lahayd ay imaan doonto asbuucaan, balse ma uusan faahfaahin cida maalgelinaysa.

Imaaraatka Carabta ayaa dhismaha saldhiga bilowday sanadkii 2017 iyaga oo heshiis la galay masuuliyiinta maamulka Somailand, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay si rasmi ah uga horjeesatay dhismaha saldhiga, waxayna ku tilmaamtay xadgudub qayaxan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*