Madaxweynaha Puntland oo kormeeray dhismaha dekada Garacad

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo kormeeraya dhismaha dekada Garacad.[Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah safar ku tagay magaalada Garacad halkaas uu ku kormeeray dhismaha dekada.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha dekadu ka socoto, waxaana uu kulan la yeeshay shirkada Turkiga ah ee dhisaysa dekada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda.

Dekada Garacad, oo ah mashruuca maalgashiga gaarka loo leeyahay ee ugu weyn Soomaaliya ee kaabayaasha dhaqaalaha, oo soo bilaabmay bartamihii sanadkii 2018-kii ayaa ku dhow gabogabo, sida ay sheegeen masuuliyiinta mashruuca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*