Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo lagu aasay magaaladii uu ku dhashay ee Garoowe

Madaxweyne Deni oo qabriga Xasan Abshir ciida ugu dambeysa ku tuuraya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta oo Khamiis ah lagu aasay magaaladii uu ku dhashay ee Garoowe.

Xasan Abshir Faarax ayaa Axadii ku geeriyooday dalka Turkiga halkaas uu muddo ku xanuunsanayay.

Diyaarad ayaa medkiisa ka soo qaaday Turkiga waxaana maamus qaran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan ayaa aas qaran loogu sameeyay Garoowe, waxaana aaska ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan sida Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, guddoomiyaha aqalka sare, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin caan ah.

Xasan ayaa sidoo kale soo noqday duqii Muqdisho xilligii xukuumadii milatariga ahayd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Xukuumadii Cabdullahi Yuusuf Axmed ee Puntland waxa uu ka soo noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*