Doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo dib uga bilaabmatay Garoowe

Ilaa iyo hadda waxaa lasoo doortay 27 xildhibaan iyada oo Puntland aqalka hoose ku leedahay 37 xubnood. [Xuquuqda sawirka: Sahan Online]
Ilaa iyo hadda waxaa lasoo doortay 27 xildhibaan iyada oo Puntland aqalka hoose ku leedahay 37 xubnood. [Xuquuqda sawirka: Sahan Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Puntland u matali doona dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah dib uga bilaabmatay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ayaa digteero kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay waxaa lagu joojiyay hanaanka doorashada, balse asbuucii lasoo dhaafay ayaa dib loo fasaxay.

Doorashada maanta oo wali socota ayaa lagu doortay ilaa iyo hadda shan xildhibaan, taasoo ka dhigaysa xildhibaanada guud ee ilaa iyo hadda la doortay 32 xildhibaan. Puntland ayaa aqalka hoose ee Soomaaliya ku leh 37 xubnood.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*