Ciidamo booliis ah oo caawinaya saaxiibadood ku dhaawacmay qaraxayada. [Sawirka: Reuters]Istanbul-(Puntland Mirror) Labo qarax oo ka dhacay caasimada Turkiga ee Istanbul ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 29 qof oo intooda badan ay yihiin ciidamo booliis ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 160 kale, sida ay sheegeen haayadaha Turkiga.
Qaraxyada oo loo malaynayo in ay ahaayeen qarax gaari iyo isbiimayn ayaa lala beegsaday ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel u dhow garoon kubada cagta ah.
Dadka goobjoogayaasha ah ayaa maqlay rasaasta qoryaha kadib qaraxa, kaasoo dhacay labo saacadood kadib markii taageerayaasha ciyaarta daawaneysay ay ka tageen garoonka kubada cagta ee Besiktas.
Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaas, laakiin hirar qaraxyo ah ayaa ka dhacay dalka Turkiga sanadkan kaasoo ay geysteen maleeshiyada Kurdiyiinta iyo kooxda Dowladda Islaamiga ah ee (ISIS).
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com
Be the first to comment