Qaramada Midoobay oo ka walaacsan in inta badan xooga Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ay yihiin caruur

Caruur askar Al-Shabaab ah oo ay ciidamada dowladda Puntland qabteen bishii Maarso ee sanadkii 2016-ka. [Sawirka: Archive]
New York-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu walaac ka qabo wararka sheegaya in ururka Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ay caruur badan adeegsadaan.

Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar xoogoodu ay yihiin caruur, isaga oo tusaale u soo qaatay in ugu yaraan 60 bogolkiiba ay caruur yihiin canaasiirta Al-Shabaab ee ay qabatay dowladda Puntland ee Soomaaliya bishii Maarso ee  sanadkii tagay 2016-kii, iyaga oo qaarkood sheegay in lagu la soo balamay in waxbarasho iyo shaqo la siinayo.

Warbixin loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay asbuucaan, ayaa hoggaamiyaha Qaramada Midoobay sheegay in Al-Shabaab ay caruurta u adeegsato dagaal, iyada oo 9-sanno jir lasoo sheegay oo loo tababaray isticmaalka hubka kadibna loo diray jiida hore. Caruurta ayaa sidoo kale ururku u adeegsadaan in ay qaadaan walxaha qarxa, jaajuusnimada iyo shaqooyinka jaarinimada ah, sida uu sheegay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo ay Al-Shabaab ay leedahay dambiga ugu weyn ee adeegsida caruurta, haddana warbixinta QM ayaa sheegaysa in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururada kale ay qortaan ayna adeegsadaan caruurta.

Sida ay sheegayso warbixintu oo ay soo uruuriyeen shaqaalaha Qaramada Midoobay ee gudaha Soomaaliya, qoritaanka iyo adeegsiga caruurta ayaa ah 6,163 oo dhalaan ah- 5,993 waa wiilal halka 230 ay gabdho ka yihiin- intii u dhaxaysay bishii April kowdeedii, 2010-kii ilaa iyo 31-dii bishii Luulyo 2016-kii, ku dhawaad 30 boqolkiiba kiisaskaas waxay dhaceen 2012-kii. Kadib hoos u dhac ku yimid dhaqdhaqaaqa intii lagu guda jiray 2013 ilaa 2014, tirada caruurta la qoray ayaa korodhay ilaa 903 intii lagu guda jiray 2015-kii, halka lixdii bilood ee sanadkii 2016-kii ay ka noqotay 1,092.

Al-Shabaab ayaa lagu qiyaasay 70 boqolkiiba oo u dhiganta 4,213 dhalaan ah in ay adeegsatay, halka ciidamada dowladda Soomaaliya ay qorteen 920 caruur ah, sida ay warbixintu sheegayso.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada in ay joojiyaan qoritaanka caruurta iyo ku xadgudubka xuquuqdooda iyo in la ilaaliyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameedsatay caruurta masaakiinta ah kuwaasoo aan haysan fursado, iyaga oo ka qortay deegaanada miyiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan dugsiyada quraanka iyo masaajida iyaga oo macalimiinta ay Al-Shabaab ku khasabto in ay u qoraan ardayda.

Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib u dhisanto kadib markii ay burburtay xukuumadii dhexe sanadkii 1991-dii, markaas oo awooda laga tuuray dowladii milatariga ahayd oo uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Bare, balse dalka ayaa u kala qeybsamay loolan qabiil iyo ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda uu caalamka taageero ee Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*