Boqolaal katirsan shacabka Muqdisho oo waddooyinka u soo baxay si ay taageero ugu muujiyaan Raysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya

Banaan-bax lagu taageerayo Raysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ka soconaya gudaha caasimada Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radi Dalsan]
Boqolaal katirsan shacabka Muqdisho oo waddooyinka u soo baxay si ay taageero ugu muujiyaan Raysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radi Dalsan]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Boqolaal dadka reer Muqdisho ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si ay taageero ugu muujiyaan Raysulwasaaraha cusub, sida ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Muqdisho.

Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweyne Farmaajo shalay oo Khamiis ahayd u magacaabay Raysulwaasraha Soomaaliya.

Inta lagu guda jiro asbuucyada soo aadan, ayaa la filayaa in Raysulwasaaraha cusub uu hortagi doono baarlamaanka si uu u weydiisto codka kalsoonida.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*