Xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry oo kulan la yeeshay wasiirada arrimaha dibada wadamada Bariga Afrika

John Kerry in Nairobi
Xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry oo kulan la yeeshay wasiirada arrimaha dibada wadamada Bariga Afrika.

Nairobi-(Puntland Mirror) Xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Nairobi kula kulmay wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Bariga Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loosoo afjari lahaa xiisadaha dagaal ee ka jira dalka Koonfurta Suudaan.

Waxaa kulanka ka qaybgalay wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Kenya, Koonfurta Suudaan, Sudan, Soomaaliya iyo Uganda.

John Kerry oo ka hadlayay Nairobi, kadib markii uu la kulmay wasiirada arrimaha dibada ee wadamada Bariga Afrika ayaa ugu baaqay dalka Koonfurta Suudaan inay oggolaato in la geeyo ciidamo afar kun ah oo xoogan oo ka socda Qaramada Midoobay.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa booqasho ku maraya wadamada Afrika ayaa la filayaa inuu booqdo dalka Nigeria.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*