Waqooyiga Kuuriya oo hawada u dirtay gantaal kale oo fashilmay

Waqooyiga Kuuriya oo hawada u dirtay gantaal kale oo fashilmay. [Xigashada Sawirka: EPA]
Seoul-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa gantaal kale hawada u dirtay, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Koonfurta Kuuriya iyo Mareykanka.

Gantaalka ayaa qarxay wax yar kadib markii uu kacay, waana kii labaad oo fashilma intii lagu guda jiray asbuucyadii dhawaa ee laga soo gudbay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Waqooyiga Kuuriya ku eedeeyay in ay sameysay “xushmad daro” ku wajahan Shiinaha iyo madaxweynahooda.

Gantaalka ayaa laga ganay saldhig kuyaala koonfurta gobolka Pyeongan ee waqooyiga caasimada Pyongyang saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen saraakiisha Koonfurta Kuuriya oo ay darisyihiin.

Trump ayaa boggiisaTwitter-ka ku yiri: “Waqooyiga Kuuriya waxay xushmad daro ku sameysay codsigii Shiinaha iyo Madaxweynahooda markii ay maanta tijaabisay gantaalka, inkastoo uusan guulaysan.”

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan qaabilay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping waxaana uu ku amaanay sida uu dadaalka ugu bixiyay arrimaha Waqooyiga Kuuriya.

Gantaalka fashilmay ayaa imaanaya saacado kadib markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay ka wadaxaajoodeen barnaamijka nukleerka Waqooyiga Kuuriya.

Xiisada giig-san ee gobolka ka jirta ayaa korodhay dhawaan, iyadoo labada Kuuriya Waqooyiga iyo Koonfurtu ay qaadayaan dhoolatus milatari.

Waqooyiga Kuuriya ayaa aaminsan in ay sii wado dadaalada ay ku rabto in ay ku sameysato madaxyada qaada hubka wax gumaada ee nukleerka iyo in ay helaan gantaalo tiiro dheer oo awood u leh in ay gaaraan Mareykanka oo ah cadowgeeda kowaad ee caalamka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*