Shan askari oo booliis ah oo toogasho lagu dilay magaalada Dallas ee Maraykanka

Ugu yaraan shan akari oo booliis ah ayaa lagu dilay gudaha Maraykanka kadib markii si qarsoon loo toogtay.

Madaxa booliska magaalada Dallas David O Brown oo ay toogashada ka dhacday ayaa saxaafada u xaqiijiyay in askarta toogasho qarsoon lagu dilay.

David O Brown waxaa uu sheegay in saddex qof oo laga shaki qabo ay booliska u qabteen dhacdadaas.

Madaxa booliska Dallas ayaa sidoo kale sheegay in 11 askri oo kale ay ku dhaawacmeen toogashada oo ay saddex kamid ah ku suganyihiin xaalada xun.

Toogashada ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Dallas ee gobolka Texas iyo gobolka kale ee Minnesota ay ka socdeen mudaharaado looga soo horjeedo toogasho ay ciidamada Maraykanka ku dileen labo qof oo madow ah asbuucaan inta lagu jiray.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*