Hindiya oo sheegtay in ay duqayn la beegsatay kooxo argagixiso ah oo ku sugnaa gudaha dalka Pakistan

india
Ciidamada ilaalada xadka Hindiya oo ilaalinaya meel u dhow dayrka u dhaxeeya xadka Hindiya iyo Pakistan qaybta Akhnoor. [Sawirka: EPA]
Islamabad-(Puntland Mirror) Hindiya ayaa sheegtay in ay qaaday howlgal duqayn ah oo ka dhan ah kooxo argagixiso oo ku sugan Pakistan oo ay uga shakiday in ay qorshaynayeen in ay soo galaan qaybta Kashmir ee ay iyadu maamusho, sheegashada ayaa waxaa cambaareeyay ciidamada Pakistan iyagoo ku tilmaamay sida wax aan la fahmi Karin.

Xiisada ayaa kor u kacday ee ka dhaxaysa labada dal ee dariska ah ee haysta hubka nukleerka ah, duqaynta ayaa dabaa socotay dilka 18 askari oo Hindi ah kuwaasoo la dilay ku dhawaad labo asbuuc kahor.

Janaraalka labo xidigle ah Ranbir Singh oo ah agaasimaha guud ee howlgalada militariga ayaa wariyeyaasha u sheegay maanta oo Khamiis ah in duqayntaas la qadaay Arbacadii waxaana uu xusay in sida ugu saxsan oo macluumad ahaan lagu kalsoonaan karo ay tahay in kooxo argagixiso ah ay saldhigyo ka samaysteen Hindiya dhinaceeda  si ay gudaha ugu galaan dhankooda.

Ilo-wareed dhanka ciidanka ah ayaa wakaalda wararka Reuters u sheegay in duqaynta ay Hindiya geysatay ay ka baxsantahay xariiqda maamulida ee uu dhaxaysa gobolka lagu muransanyahay ee Kashmir.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in duqaynta ay ku dhinteen labo askari oo Pakistan ah.

Bayaan kasoo baxay Raysulwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa si weyn loogu cambaareeyay duqaynta, waxaana uu wacad ku maray in milatariga ay awood u leeyihiin ka hortaga weerar walba oo waxshinimo ah oo lagu waxyeelaynayo qaranimada dalka Pakistan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*