Madaxweynaha Puntland oo sheegay in doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay ku dhici doonto wakhtigeeda

Madaxweyne Deni oo ka hadlaya shir jaraaid, Nov 29, 2020, Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay ku dhici doonto wakhtigeeda.

“Waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin,” ayuu ka sheegay jir jaraaid oo wadajir ah oo daba socday kulan ka dhacay maanta oo Axad ah madaxtooyada oo uu la yeeshay xubno ka socday Qaramada Middobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.

Waxa uu intaas ku day: “wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto.”

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya iyadoo musharixiin ku shiray Muqdisho asbuucii lasoo dhaafay ay bayaan ay soo saareen ku qaadaceen xubnaha guddiga doorashada oo ay soo xuleen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha Ka ah.

Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorashada madaxtinimada ay ka dhacdo horaanta sanadka soo socda ee 2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*