Madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay Raysulwasaaraha Cusub ee Itoobiya

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa hambalyo u diray Raysulwasaaraha Cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed, sida ay Jimcadii daabacday warbaahinta FANA ee fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Cabdiweli ayaa dhambaalka hambalyada ku sheegay in uu sii wadi doono wada shaqeynta Raysulwasaare Abiy uuna xoojin doono xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland iyo Itoobiya ay leeyihiin xiriir dhow iyo mid wadoshaqeyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*