Puntland oo noqotay dowladii ugu horeysay oo xubin ka ah federaalka Soomaaliya oo hambalyaysay baarlamaanka cusub ee Jubbaland

Dhaarinta xildhibaanad cusub ee Jubbaland. [Isha Sawirka: Twitter]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa noqotay dowladii ugu horeysay oo xubin ka ah federaalka Soomaaliya oo hambalyo u dirta baarlamaanka cusub ee la soo dhisay ee Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maanta oo Talaado ah, Puntland ayaa u rajaysay in doorashada madaxtinimada Jubbaland ay ku dhammaato guul iyada oo aan lagu samayn wax farogelin ah.

“Puntland waxay boggaadinaysaa hanaanka ay u socota doorashooyinka Jubbaland. Sidoo kale Puntland waxay rajaynaysaa in hab-ka doorasho ee Jubbaland uu ku dhammaado sida loo qorsheeyay, isla markaasna ay doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda farogelin la’aan.” Sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Habeenimadii Isniinta, guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay liiska baarlamaanka cusub ee maamulkaas oo ka kooban 73 xubnood oo metelaya beelaha dega deegaanada Jubbaland.

Talaadadii, xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland ayaa la dhaariyay waxayna guddoomiye kumeelgaar ah u doorteen Shiikh Cabdi Yuusuf Cali oo ah qofka ugu da’a weyn.

Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa ah kii labaad tan iyo markii la dhisay maamulkaas sanadkii 2013.

Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in dabayaaqada bishan Agoosto ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxaana ku loolamaya musharixiin uu ku jiro madaxweynaha xafiiska jooga Axmed Maxamed islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*