Raysulwasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika

Raysulwasaare Khayre iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya.

Tibor P. Nagy ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, bayaanka ayaa intaas ku daray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*