Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo soo saaray awaamiir ku saabsan habraaca shaqada dowlada xilliga doorashada

President Hassan
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Sawirka: Reuters.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowlada ee xilliyada doorashada.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa qusaysa sidii loo ilaalin lahaa hanaanka iyo geedi socodka doorashada, iyadoo ay soo fool leeyihiin doorashooyinka aqalka hoose, aqalka sare iyo mida madaxweynaha oo la filayo in ay qabsoomaan bishan aanu ku jirno ee September ilaa iyo Oktoobar.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa soo saaray awaamiirta hoos ku qoran:

1)—Laga billaabo maalinta ay taariikhda ku beegan tahay 5-ta September, 2016, iyadoo hawl maalmeedka dowladda ee ah u adeegidda shacabka sidii caadiga ahayd loo wadayo, ayaa haddana waxaa la joojiyay:

a)—Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida.

b)— Lama bedeli karo qaab dhismeedka hadda jira ee hay’adaha dowladda oo dhan.

c)— Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016, marka laga reebo kharajka boqolkiiba afartan ah (40%) oo dowladda kaga soo aadday kabista dhaqaalaha doorashooyinka iyo kharajyadii kale ee lagama maarmaan loogu arko habsami u socodka hawlaha dowladda.

d)— Lama geli karo heshiisyo iyo qandaraasyo cusub oo aan ka ahayn kuwii horay u socday. Sidoo kale lama geli karo ballanqaadyo kharash la xiriira.

2)—Awaamiirtan ma khuseyn doonto hawlaha ay fulintooda socdeen intii ka horeysay 05/09/2016 (Shanta September).

3)—Awaamiirtan waxay socon doontaa ilaa 5-ta November 2016.

4)—Waxaa dhammaan hay’adaha fulinta ee dowladda ee wareegtadan loo gudbiyay la farayaa inay awaamiirtan dhaqan-geliyaaan, iyagoo tixgelinaya marxaladda lagu jiro iyo hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*