Madaxweynaha Puntland: Canshuurta waa in la bixiyaa waana waajib dastuuri ah

Madaxweynaha Puntland Cabdiwle Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay muran dhanka canshuurta ah oo u dhaxeeya dowladda iyo ganacsatada magaalada Boosaaso.

Shir saxaafadeed uu ku qabtay gudaha Garoowe maanta oo Arbaco ah kadib markii uu kasoo noqday Muqdisho oo uu shir uga soo qeybgalay, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ganacsatada u jeediyay in ay canshuurta bixiyaan muran la’aan.

“Canshuurtu waa canshuur sharci ah oo golaha wasiiradda la mariyay golaha baarlamaanka la mariyay canshuur dowlddu jeebka kala soo baxday ma jirto, waxaana weeye ijaarka guryaha laga qaado boqolkiiba afar bixiya weeye waxa laga qeylinayaa saxna maahan,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

“Dalkan waxa weeye waxa uu rabaa difaaac waxa uu rabaa horumarin wuxuu rabaa in laga wada shaqeeyo, taasna waxaa laga rabaa in ganacsatadu fahanto, marka ka leex leexad maleh canshuurta waa in la bixiyaa waana waajib dastuuri ah.” Ayuu ku daray Madaxweynuhu.

Intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xarumaha ganacsiga Boosaaso ayaa xirnaa iyaga oo ganacsatadu ka cabanayaan canshuur kordhin ay sheegeen in dowladdu ku sameysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*