Puntland iyo Somaliland oo kala qaaday ciidamadoodii isku horfadhiyay gobolka Sanaag

SONY DSC
Ciidamada dowlada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa kala qaaday ciidamadooda oo beryahan isku hor fadhiyay gobolka Sanaag, sida ay wararka sheegayaan.

Ciidamada Puntland ayaa dib ugu noqday halka la dhaho Kala-dhaca oo u dhow laamiga isku xira Boosaaso iyo Garoowe, halka ciidamada Somaliland ay dib ugu noqdeen deegaamo ku dhow magaalada Ceerigaabo.

Kala-qaadida ciidamada ayaa timid kadib markii masuuliyiinta ugu saraysa labada maamul ay wadahadal ku gaareen in labada ciidan lagala qaado.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in goa’aankan uu yimid kadib markii ay khadka taleefoonka ku wada hadleen masuuliyiinta ugu saraysa Puntland iyo Somaliland.

Asbuucii lasoo dhaafay ayaa labada ciidan dagaal ku dhexmaray deegaanka Booda-cade oo ku dhow magaalada Dhahar.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo hal maalin ah socday.

Puntland iyo Somamliland ayaa ku muransan gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo ciidamada labada maamul ay horey dagaalo ugu dhexmareen goboladaas.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*