Muxuu Sharciga Caalamiga ah ka qabaa Dhiibistii Abdikarin Muuse (Qalbi Dhagax) iyo Jawaabtii Dowladu ka bixisay

Sawirka: Cabdikariin Muuse (Qalbi Dhagax).

Cabdikariin Muuse (Qalbi Dhagax) wuxuu ahaa Sarkaal katirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaliyeed (CXDS), wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia oo lagu xoraynayey dhulka Soomaaliyeed (Howd/ Ogadenia), Walaalkiis wuxuu ku dhintay isla dagaalkaas. Markii ay burburtay Dowladda dhexe ee Soomaaliya Sarkaalkani wuxuu ku biiray Jabhadda ONLF (Ogaden National Liberation Front) oo u dirirta xoraynta dhulka Ethiopia xooga ku haysato Howd /Ogadenia. Sida ay cadaysay Dowlada Soomaaliya Sarkaalkani wuxuu mudo 3 sano ku noolaa Caasumadda Soomaaliya ee Muqdishu oo uu dib ugu soo laabtay.

Dhiibista sarkaalkan waxay shacabka Soomaaliyeed ee caalamka ku nool ku abuurtay walwal, meelo ay caasumadda Soomaaliya ee Xamar ka mid tahayna waxaa ka dhacay Mudahaaraadyo, sidoo kale waxay kala qaybsanaan ka dhex abuurtay golayaasha dowladda Soomaaliya sida Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumada. Qalbi  Dhagax waxaa Ethiopia lagu wareejiyey dhamaadkii bishii Agoosto ee sanadkan 2017ka.

Sharci ahaanshaha Dhiibista Qalbi Dhagax

Qodobka 36aad farqadihiisa (1) iyo (2) ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya wuxuu dhigayaa sidaan:

(1) Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

 (2) Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

 Qodobka 37aad, farqadihisa (1) iyo (2) ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya isna wuxuu qabaa sidaan:

(1) “Qof kasta oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab”.

(2) “Baarlamaanka Federaalka ihi waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka”.

 Heshiishkii Qaramada midoobay ee la saxiixay sanadkii 1951 balse dhaqan galay 1954 Qodobkiisa 33aad (article 33rd)  wuxuu dhigayaa sidaan hoose

No Contracting State shall expel or return (‘refouler’) a refugee in any manner whatsoever to the frontiers of territories where his life or freedom would be threatened on account of his race, religion, nationality, membership of a particular social group or political opinion.”

“Midaasi oo micne heedu yahay dowlad kamid kamid ah kuwa galay ama saxiixay sharcigan ma cayrin karaan ama kuma celin karaan qof qaxooti ah dhul naftiisa iyo xoriyadiisa khatar lagu galin galin karoh iyadoo laga duulayo Qowmiyadisa,Diintiisa, Dhalashadiisa, Xubinimadiisa urur gaar ah ama Fikirkiisa siyaasiga ah.”

Hadaba markaad eegtid qodobka 36 aad ee Dastuurka dalka ee ka hadlaya xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed ee dhaladka, qodobka 37aad ee isla dastuurka dalka oo hadlaya xuquuqda qofka magangalyo doonka ah ee ku nool Jamhuuriyada federalka somaliya sidoo kale markaad eegtid heshiishka Qaramada midoobay ee la saxiixay sanadkii 1951 balse dhaqan galay 1954 Qodobkiisa 33aad (article 33rd).

Kadib  markaan qiimayn ku samayeey Soomaalinimada, walaalnimada, islaanimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo guunka kuna salaysan isuhiilinta, iscafinta, isku xirnaanta iyo isku danqashada.

Kadib markaan arkay dareenka guud ee shacabka somaliyeed ee caalamka kukala nool (the Public opinion) ee ku aadan sida ay uga xunyihiin dhiibista muwaadinkaan somaliyeed.

Kadib markaan arkay kala aragti duwanaanta laamaha kala duwan ee dolwada somaliyeed.

Waxaa ii cad in dhiibista Abdikarin Muse (Qalbi dhagax) ay ahayd mid aan waafaqsanayn, meelkudhacna ku ah Dastuurka dalka uyaal, sharuucda caalamka iyo bini’aadanimada.

Dhiibista Muse waxay wiiqaysaa dhabahana u xaaraysaa Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed ku aadan Xoraynta Soomaali-Galbeed iyadoo Dowladu urur argagixiso u aqoonsatay Jamhada -xoraynta Soomaali-Galbeed.

                 Jawaabtii Dowladu ka bixisay

Dowladda Soomaaliya waxay bixisay jawaab dhalisay dood iyo kala aragti duwaanan bulsho, mid siyaasadeed iyo mid sharci intaba.

Xukumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxay u kala jabtay 2 qaybood, wayna ku kala aragti duwanaatay jawaabtii ay bixisay dowladdu. Markii uu shirka Golaha xukumaddu furmay, agendahana uu sheegay Wasiirka 1aad ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed , waxaa isla markii dood adag kala horyimi Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) isagoo sheegay inaanay jirin sabab Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda midna muwaadin Soomaaliyeed loogu wareejiyo dowlad shisheeye ayna ka hor imaanayso Dastuurka dalka iyo Qaanuunada Caalamiga ah, isagoo ku adkaystay inay tahay wax sharciga Caalamiga iyo kan dalkaba ka hor imaanaaya Bulsho waynta ummadda Soomaaliyeedna ay indhaha  ku hayaan. Sidoo kalana aysan sina Macquul iyo Caqli gal toona u ahayn Jabhadda ONLF in loo aqoonsado Argagixiso  iyadoo wadamada Dunida ugu waaweyn ay Xafiisyo ku leedahay Jabhaddu aana loo aqoonsanayn Jabhad argagixiso.

Waxaa xusid mudan iyana in cod looqaaday agendaha arintii Qalbi dhagax ay ka amuseen 2 wasiir oo kala ahaa Wasiirka Duulista Hawada Mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) iyo Wasiir Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) iyadoo ay sitoos ah uga hortimid wasiirka Garaarka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Marwo Dr. Maryan Qasim taas oo si cad uga sheegtay shirka inay arrintii uu ku dooday Wasiir Juxa ay dhab tahay. Waxaa kaloo Muhiimad gaar ah lahayd Hadalkii Drs. Maryam Qaasim ay fadhiga Golaha Wasiirada iyo Idaacadahaba ka sheegtay ee ahaa in arrintaani tahay Khiyaano Qaran oo aan Meel loogu soo gabban wadankana Ceeb iyo Fadeexad u soo jiidayso.

Waxay muujiyeen Wasiiradaan ka hor yimid go’aanka Golaha inay yihiin Muwaadiniin Wadankooda u dhaartay Waajibna tahay in wadanka loogu shaqeeyo si Wadaninimo iyo daacadnimo ku dheehan tahay, midaanina tahay mid ka hor imaanaysa dowladnimada iyo sharciga dalka intaba.

Gabagabo iyo Talo soo jeedin

Gunta iyo gunaanadka Faaladani waxay ku qotontaa nuxurka ka soo baxay Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Qarankeena, Qanuunada Caalamiga ah, dhaqankeena soo jireenka ah, Soomaalinimada iyo Diinta islaamka, Hadaba Akhriste markaad dhamaantood ka dhigatid Marjac aad u noqotid waxaa kuu soo baxaysa Xukumadda Ra’iisal Wasaare Khayre inay  ay galeen Khayaano qaran, ayna ku xad gudbeen Dastuurka dowladda iyo Qaanuunada Caalamiga ahba marka laga reebo Sadexda Wasiir ee 2na ka aamustay Cod bixinta midna diiday.

Hadaba anoo kaashanaya aqoontayda Maamul iyo waayo aragnimadayda aan uleeyahay Siyaasada tixgalina siinaya Duruufaha ku xeeran dadka iyo dalka soomaaliyeed waxaan talo ku bixinayaa inaan Khalad lagu sixin Khalad kale. Dowladuna ay ilaaliso shuruucda dalka uyaal iyo heshiisyada Caalamiga ah mudnaantana siiso unuglaanta muwaadiniinteeda soo daalay.

Waxaan kaloo faaladan ugu mahadcelinayaa wasiirada 3da ah gaar ahaan Wasiir Juxa iyo Wasiir Maryam Qaasim oo muujiyay muwaadinnimo diidayna doodna ka keenay inaysan ahayn wax lagu dhiiran karoh berina xisaab ay ka imaandoonto waxa ay manta samaynayso xukumadda Xasan Cali Khayre.

Qore: Mursal Ali Warsame , PhD, Xiriirka caalamiga ah iyo Culuunta Siyaasadda.

Alma: Columbus State University, the U.S.A

Qoraa, faaleeye, arimaha siyaasada Geeska Africa iyo caalamka

Email: mursalali1984@gmail.com

Virginia, America.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*