Xidhibaano kamid ah golaha baarlamaanka Puntland oo tagay tuulada Qarxis ee gobolka Nugaal

Xildhibaano
Xildhibaanada tagay tuulada Qarxis. Sawirka: Facebook.

Garoowe-(Puntland Mirror) Xidhibaano kamid ah golaha baarlamaanka dowlada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray tuulada Qarxis oo kutaala gobolka Nugaal.

Xildhibaanada ayaa halkaas u tagay kadib markii maamulka degmada ay si deg deg ah ugu yeereen xildhibaanada oo gobolka Nugaal u matala baarlamaanka Puntland.

“Saaka waxaan ku suganahay Magaalada Qarxis Maamulka iyo shacabka Magaalada ayaa si deg deg ah noogu yeeray kadib Go’aan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada oo saameyn balaaran ku yeeshay Magaalada gaar ahaan waxbarashada.” Sidaa ayuu ku qoray boggisa Facebook, xildhibaan Siciid Samatar oo kamid ahaa xildhibaanada halkaas tagay.

Dhawaan, ayaa wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland aqoonsigii waxbarasho kala noqotay tuulada Qarxis, kadib markii imtixaankii fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe lagu jabsaday tuulada Qarxis bishii lasoo dhaafay ee May, kadibna lagu daabacay warbaahinta bulshada, taasoo keentay in wasaarada ay dib u celiso imtixaankii fasalka 8-aad.

Wasaarada ayaa sidoo kale meesha ka saartay natiijadii imtixaanka ee ardayda fasalka 8-aad ee Qarxis, taasoo niyadjab ku keentay waxbarashadii ardayda.

Ugu dambayna wareysi uu dhawaan siiyay wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayuu ku sheegay in wasaarada aysan ka noqon doonin go’aankeeda.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.