Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay guddoomiye ku-xigeenadiisa

Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay guddoomiye ku-xigeenadiisa. [Graphic: Puntland Mirror]
Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay guddoomiye ku-xigeenadiisa. [Graphic: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey u doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka.

Mr Muudey ayaa helay 164 cod halka Faarax Shiikh Cabdiqaadir oo la loolamayay uu helay 94 cod intii ay socotay wareega labaad ee doorashada, sida uu sheegay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee doorashada.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad u doortay ku xigeenka labaad kadib markii uu tartan adag kaga adkaaday Cabdiqaadir Shiikh Cali.

Muudey ayaa soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada intii ay jirtay xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, halka Mahad Cabdalla Cawad uu soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaankii hore.

Arbacadii shalay, xildhibaanada ayaa dib guddoomiye ugu doortay Maxamed Shiikh Cusmaan oo loo yaqaan (Jawaari).

Si kastoo ay ahaataba, baarlamaanka iyo xubnaha cusub ee aqalka sare ayaa Madaxweynaha xiga ee Soomaaliya dooran doona 28-da bishaan Janaayo, sida qorshuhu yahay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*