Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay dagaal ka socda Garoowe

Garoowe. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan toban qof ayaa ku geeriyooday dagaal saakay oo Talaado ah ka qarxay magaalada Garoowe oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidan deegaanka ah kuwaasoo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka.

Dagaalka ayaa qarxay barqanimadii maanta oo Talaado ah kadib markii ciidanka deegaanka kuwaasoo taageersan siyaasiyiinta mucaraadka ah ay xalay fiidkii la wareegeen goobo ku dhow aqalka baarlamaanka, halkaas oo xildhibaanadu ay uga doodayeen furista dastuurka taasoo ay u codeeyeen in la furo.

Dadka dhintay ayaa intooda badan ay yihiin shacab, iyadoo dagaalku uu weli ka socdo magaalada gaar ahaan toga galbeedka.

Ilaa 20 qof oo kale ayaa ku dhawaacmay dagaalka, sida ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ku eedeeyay in uu dastuurka u furayo si uu u sameeyo muddo kordhin aan sharci ahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*